Kulanka xildhibaanada Golaha shacabka ayaa lagu wadaa inuu goor dhow ka furmo magaalada Muqdishi iyadoo maanta la sugayo inay Golaha hor yimaadaan Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga xukuumadda oo ay la socdaan taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida.
Xogheynta baarlamaanka ayaa ildhibaanada Golaha Shacabka u dirtay fariin ay dib ugu xusuusisay inuu jiro fadhigii saddexaad ee Baarlamaanka oo ajendihiisu yahay: KA DOODISTA AMNIGA QARANKA.
Guddoonka Baarlamaanka hore u sheegay in kulanka uu noqon doono mid ay albaabada u xiran yihiin, si warbixinnada qarsoodiga ah loola wadaago xildhibaannada Baarlamaanka, laakiin xildhibaano ka tisran Golaha ayaa ka horjeeda arrintan oo wada qorshe ay uga hortegayaan in shirku noqdo mid xiran.
Xildhibaanada hore u dalbaday in arrimaha laga hadlayo ayaa diidan go’aanka uu qaatay guddoomiye Mursal oo ahaa in saxaafadda ay dibadjoog ka ahaato kulanka maanta, taasoo ahayd codsi ka yimid xukuumadda, waxaana cadaadis lagu saaaray guddoomiyaha baarlamaanka inuu fasaxo Warbaahinta oo la sheegay inay gudaha u galeen goor dhoweyd.
Dood ka dhalatay in saxaafadda loo ogolaado kulana maanta ayaa lagu soo gabagabeyay in cod loo qaado, sidaasina loogu diido ama loogu ogolaado inay fadhiga qeyb ka noqdaan.
Xildhibannada ayaa ku doodaya inaysan waxba kala socon wasiirada iyo taliyeyaasha loo yeeray, kaliyana ay soo jeediyeen Guddiga Joogtada ah, iyadoo dood ka keenay sababta loogu yeeray taliyeyaasha, iyagoo doonayey kaliya inay la xisaabtamaan Wasiirada Xukuumadda.
Magaalada Muqdisho ayaa ku jirta xaalada amni darro tii ugu xumeyd, taasoo keentay in la xiro wadooyinka caasimadda, inkastoo weli ay qaraxyadu dhacayaan.