Website-ka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Federaalka ayaa la jabsaday, iyadoo burcadda Internet-ka ay u dhaceen oo ay ku faafiyeen qoraallo ay leeyihiin.
Website-ka Wasaaradda ayaa muddo saacado ah markii la furo waxaa kasoo baxayey farriimo ah in la jabsaday, iyadoo koox aan la aqoonin ay sawirro iyo qoraallo saareen wejiga hore, waxaana markaas kadib dhacday hawada laga saaray.
Cinwaanka Website-ka Wasaarada ganacsiga Soomalaiya ee MOCI.gov.so ayaa hadda hawada ka maqan, waxaana fariinta ay muujineynaa in la joojiyey website-ka oo hawada laga saaray, kadib markii burcad la wareegtay.
Wasaaradaha dowladda ayaan lahayn Server dowladeed oo xogtooda u taallo, waxaana ay ku xiran yihiin kuwo ganacsi ahaan loo soo iibsaday, iyadoo ay aad ugu yar tahay farsamada looga difaaco weerarka dibadda uga imaan kara.
