Weerar Bam Gacmeed ayaa caawa lagu qaaday laanta Horseed ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh
Wararka ayaa sheegaya in Bamka lagu weerarray xarunta Laanta horseed ee degmada Yaaqshiid ay ku dhaawacmeen 5 qof oo midkood oo haweeney ka mida ay xaaladeedu liidato, iyadoo dadkii weerarka ka danbeeyay ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada Amniga ayaa xiray goobta weerarku ka dhacay oo ah Laan ka tirsan degmada Yaaqshiid, iyadoo goobta ka qaaday dadkii ku dhintay weerarka.
Maanta ayay ahayd markii guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid uu xilka kala wareegay guddoomiyihii hore ee lagu eedeeyay musuq.