Friday, June 27, 2025

Weerar Bam loo adeegsaday oo lagu qaaday Saldhig ku yaalla Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa weerar Bam loo adeegsaday lagu qaaday saldhigga Booliska degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa lagu qaaday ciidamo boolis ah oo ku sugnaa saldhiga degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir, waxaana loo adeegsaday Bam gacmeed lagu tuuray saldhigga, waxaana qaraxa kadib halkaasi ka dhacay  rasaas xoog leh.

Qarax ayaa la sheegay inuu geystay qasaare kala duwan, iyadoo wararku sheegayaan inay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidamada Booliska. Ciidamada ayaa qaraxa kadib baaritaan ka sameeyay xaafadaha ka agdhow saldhiga degmada Wadajir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON