Wednesday, June 25, 2025

Weerar Bam oo Caawa lagu qaaday Ciidamo Bar koontarool ku lahaa Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar Bam gacmeed loo adeegsaday caawa lagu qaadya ciidamo Boolis ah oo fariisin ku lahaa xaafada Suuqa xoolaha dhinaca degmada Yaaqshiid.

Weerarka Bam gacmeedka ayaa si weyn looga maqlay xaafadda Suuqqa Xoolaha oo weerarro joogto ah ay ka dhacaan, waxayna wararku sheegayaan inay qaraxa ku dhaawacmeen  labo askari oo ka tirsan ciidanka Booliska ee halkaasi fariisiinta ku lahaa.

Mid ka mida raggii weerarka Bam gacmeedka qaaday ayaa la sheegay inay ciidamu toogteen, iyadoo markaas kadib ay halkaasi gaareen ciidamo gurmad ah oo baaritaan ka sameeyay aaggaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON