Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar Bam uu galabta ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa loo adeegsaday Bamka gacanta laga tuuro oo lagu weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta ee suuqaasi.
Bamka ayaa ku qarxay meel u dhow ciidamada, waxayna geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa marka weerarku dhacay.
Qof ayaa ku geeriyooday qaraxa bamka halka laba kale ay ku dhaawacmeen, waxaana baxsaday qofkii weerarka Bamkaasi qaaday.