Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa weerar lagu qaaday Xarunta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Weerarka ayaa loo adeegsaday Bamb gacmeed lagu tuuray xarunta degmada, kaasoo dhaliyey qarax xoog leh, iyadoo markaas kadib ay rasaas fureen ciidamada ilaalada degmada Waaberi.
Qasaaraha qaraxa geystay ayaa lagu sheegay inuu askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ku dhaawacmay, waxaana agagaarka degmada xiray ciidamada booliska oo baaritaan ka bilaabay ay ku baacsanayaan raggii ka danbeeyay weerarka Bam.
Marar badan ayaa weerarro noocan oo kale ah lagu qaday xarunta degmada Waaberi, iyadoo aan weli lagu guuleysan in la qabto dadkii ka danbeeyay.