Wednesday, July 16, 2025

Weerar Duqeyn Cirka ah oo ka dhacay Jubbada Hoose & Dad lagu dilay

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose  ayaa sheegay in Duqeyn cirka ah ay xalay ka dhacday duleedka Magaalada Kismaayo, iyadoo qasaare dhimasho leh ay sababtay.

Diyaarad dagaal oo la sheegay inay ahayd nooca is-wada (Drone) ayaa weerar ku qaaday tuulada Lafta Quraameys ee degaanka Buula Xaaji oo 90- KM u jira magaalada Kismaayo, iyadoo la sheegay in duqeyntaasi ulagu dilay 3 qof, halka qof kale ku dhaawacmay.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in dadka duqeynta lagu dilay saddex qof oo kuwa Dhuxusha shida oo ahaa reer Miyi xilligaasi Dab u shidnaa ayna cunto karsanayeen.

Weerarkan ayaa la filayaa inay qaadeen ciidamada Mareykanka, iyadoo aanay weli War ah kasoosarin Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON