Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday Gaari oo la jiirsiiyey dad badan oo ku sugnaa magaalo ku taalla bartamaha dalka Germany.
Booliska ayaa sheegay in la qabtay nin darawal ah oo watay Gaari Marcedex ah, kaasoo la dhex galay dad fara badan oo ka qeyb galayey bandhig dabaaldeg ah oo ka socday magaalada Volksmarsen, iyadoo ay tahay waqti hore inuu si kula kac ah falkaasi ahaa iyo shil caadi ah.
Dadka goobta ku sugnaa ayaa sheegay in Darawalka uu si ula kac ah Gaariga ugu jiiray dad u badnaa qoysas iyo caruur, waxaana Boolisku soo dhex galay markii ay dadkii kusoo xoomeen iyagoo doonaya inay gacanta ula tagaan..


