Wararka laga helayo magaalada Vieanna ee dalka Austria ayaa sheegaya in weerarro hubeysan ay ka dhaceen caasimadda dalkaasi.
Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furay ilaa lix goobood oo u dhow Kaniisad ay Yuhuudu leedahay bartmaha magaalada Vienna, waxaana rasaas xoog leh laga maqlay magaalada, iyadoo ay ku dhinteen ilaa 3 qof, 14 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Booliska iyo ciidamada Amiga ayaa raadinaya Dableyda weerarka geysatay oo si weyn u abaabulnaa, waxaana la dilay mid ka mida dableydaasi, iyadoo aan la helin weli raggii kale ee baxsaday. waxaaa dadka magaalada loo sheegay inaysan tegin bartmaha magaalada oo ay xarumahooda iyo sugnaadaan ilaa mar dambe, iyadoo uu socdo howlgalka ciidamada ka wadaan magaalada Vienna.
Ra’iisal wasaaraha dalka Austria Sebastian Kurz ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday dalkiisa uu ahaa mid argagixiso, wuxuuna intaas ku daray in dableyda weerarka geystay midkood la dilay, balse qaar kale ay baxsadeen oo lagu daba jiro, howlgalkuna weli socdo.




