Wednesday, July 16, 2025

Weerar ka dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho iyo Alshabaab oo sheegatay Dilka iyo..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya dabley hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen bar ay ciidamada amniga ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.

Dadka degaanka ayaa sheegay in weerarka uu bilowday rasaas xoog leh, isagoo saameyn ku yeeshay xaafada Suuqa Xoolaha, waxaana weerarkaasi sheegtay Alshabaab oo baahisay inay ku dishay askari ka tirsan ciidamada dowladda, kuna dhaawacday laba askari oo kale.

Weerarrada Alshabaab ayaa sii kordhaya muddooyinkii ugu danbeeyay, waxaana dib u soo noqday qaraxyadii is-miidaaminta ahaa, halka ay hoos u dhaceen dilalkii khaarijinta.

Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay hay’adaha Amniga dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan weerarkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON