Friday, June 27, 2025

Weerar Khaarijin ah oo Goor dhow ka dhacay Muqdisho & Mas’uul la weeraray

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar khaarijin ah lagu qaaday Gaari marayay xaafadda Suuq Liif ee degamada Dharkeynley.

Koox hubeysan oo wadatay Gaari nooca NOAH ah ayaa rasaas ka furay Gaari la sheegay inay xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo algu magacaabo Sahra Cumar Maalin, iyadoo ay markaas adeegsaneysay Wasiirka Caafimaadka Galmudug Naciima Maxamed Maxamuud, kaasoo xilligaasi marayay Xaafadda agagaarka suuq Liif, xildhibaannada ayaa la xaqiijiyay inaysan xilliga weerarka dhacay la socon gaariga.

Weerarka lagu dilay qof ka mida dadkii gaariga la weeraray saarnaa iyadoo dhaawacyo soo gaareen laba qof oo kale. Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa ka mida Aabaha  dhalay Wasiirka iyadoo darawalka dhintay magaciisa lagu soo gaabiyay Catoosh.

Gaariga la weeraray ayaa ka yimid dhanka Garoonka Aadan Cadde iyadoo ninka lagu dhaawacay uu yahay Maxamed Maxamuud oo ah aabaha dhalay Wasiirada Caafimaadka Galmudug oo maanta ka yimid dalka Canada, xaalada dhaawaciisuna tahay mid culus.

Dadka degaanka ayaa soo weriyay in Gaariga la weeraray uu ahaa nooca Toyoya Hilux oo loo yaqaan Qooqanta. Kooxihii weerarka qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana mar danbe halkaasi soo gaaray Ciidamada Ammaanka.

LA SOCO FAAFHAAHINTA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON