Koox dabley ah oo hubeysan ayaa goor dhoweyd weerar ku qaadeen gaari uu la socday xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda ciidamada Qalabka sida.
Weerarkan oo ka dhacay agagaarka isgoyska Florense ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaawacay xeer ilaaliye ku xigeenka oo lagu magacaabo C/laahi Xuseen Cabdi Mayoonge.
Dableyda weerarka qaaday ayaa watay gaari kale, waxayna ku hor gooyeen gaariga uu la socday xeer ilaaliyaha, iyaga oo rasaas oodda kaga qaadey.
Waxaa weerarkaasi lagu dilay askari ilaalo u ahaa xeer ilaaliye ku xigeenka iyadoo halkaasina uu ku dhaawacmay xeer ilaaliye Mayoonge oo dhaawiciisu aanu sahlaneyn.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta oo ay ka baxsadeen dableydii weerarka fulisay. Ma jirto cid sheegatay weli.
Goobjooge.com