Sunday, July 13, 2025

Dagaal ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubba ku dhex maray magaalada Kismaayo

Warar hada soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal culus ka qarxay magaalada Kismaayo kaasoo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, dagaalka oo hub waaweyn iyo mid fudud la is weydaarsanayo gudaha magaalada.

kismayo

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay  markii askari ka tirsan kuwa maamulka ay isku dhaceen ciidamada Nabadsugida oo askari ka tirsanaa qori laga qaatay. Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa si xoog leh looga maqlayaa  magaalada iyo xarumaha maamulka. Khasaaraha hordhaca ayaa sheegaya  in laba askari ay ku dhinteen dagaalka dhacay, afar kalena ay ku dhaawacmeen iyadoo xaalada magaalada ay kacsan tahay.

Xaaalada ayaa la sheegay in la dejiyay markii ay dhex galeen mas’uuliyiinta maamulka Jubba.

Dagaalkan ayaa dhacaya iyadoo hogaamiyaha Juba Axmed Madoobe ku sugan yahay Magaalada Garowe.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON