Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay weerar Qarax ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamda AMISOM oo ku sii jeeday Jowhar.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka loo geliyay Kolonyada AMISOM ayaa qabsatay mid ka mida gaadiidka AMISOM oo qasaare xoog leh ay gaarsiiyey, waxaana goobtaasi ayaa ahayd degaanka Ilbaq oo ku dhow tuulada Haanta Sheekh ee udhaxeeya Balcad iyo Jowhar oo ay degan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhowaan lagu dilay laba xildhibaan oo ka tirsan Hirshabelle.
Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib la sheegay inay xireen wadadda in muddo ah ayna joojiyeen gadiidka, iyadoo ciidamada ay baaritaan iyo socod lug ah ku mareen wadadda, waxaana la soo weriyay inuu qaraxa u geystay qasaare aan la shaacin.
Weerarrada Alshabaab ayaa weerarro joogto ka geysata wadadda isku xirta Balcad iyo Jowhar iyadoo jidkaasina ay ka go’een adeegsigiisa madaxa maamulka Hirshabelle.