Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas lagu furay ciidamo fadhigoodu ahaa xarun baaris.
Weerarkan ayaa ka dhacay Isgoyska Xamar Jadiid ee Magaalada Muqdisho, kadib markii koox hubeysan oo gaari yar wadatay ay rasaas ku fureen ciidamada xasilinta oo ku sugnaa fariisinka ay ammaanka ka sugaan ee isgoyska Xamar Jadiid.
Kooxdii weerarka geysatay ku baxsatay Gaari nooca raaxada ah oo ay wateen kadib weerarka oo ahaa nooc cusub oo aan hore loogu arkin Magaalada Muqdisho. Dadka Degaanka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay rasaas ku jawaabeen ayna muddo daqiiqado ah socotay rasaasta.
Wararka laga helay saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in weerarkan uu dhinacooda askari uga dhaawacmay, waxaase jira warar sheegaya in qasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.