Weerar loo adeegsaday Bambada gacanta laga tuuro ayaa caawa lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliyaoo ku sugnaa Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa la sheegay in lagu weerary xaafada Macmacaanka, halkaasoo rasaas ay ka dhacday qaraxa kadib. Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu dhaliyay khasaaro u geystay dadweyne iyo ciidamada Dowladda.
Goobihii ganacsiga ayaa la xiray, iyadoo lagu kala cararay degaankasi, waxaana rasaas ay ciidamada fureen ay dad ku dhaawacday xaafadaha ku dhow goobta weerarku ka dhacay.
Waa qaraxii labaad ee Bam gacmeed loo adeegso oo ka dhaca degaankaasi maalmihii ugu danbeeay, iyado kooxaha falalkaasi geysta ay caadiyan baxsadaan.
Goobjooge.com