Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegayaan in qarax lala beegsaday xarun isgaarsiin.
Qaraxan ayaa lagu qaaday Xarunta Shirkadda Somtel ee magaalada Boosaaso, halkaasoo xalay xilli dambe Bam lagu tuuray, waxaana qasaare burbur ah gaaray qeyb ka mida xarunta.
Bambka lagu weeraray shirkadda Somtel ee magaalada Boosaaso ayaa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Boosaaso, iyadoo loola dan lahaa Matoorada Shirkadda Somtel.
Ma jirto cid wax ku noqotay qaraxan, waxaana baaritaan wada Ciidamada amniga oo tegay gaaray goobta qaraxa.