Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Bam uu caawa ka dhacay magaalada.
Qaraxa ayaa ahaa Bamka Gacanta laga tuuro oo lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya o fariisin ku leh Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Dad goobjoog ah ayaa sheegaya inuu ku dhaawacmay wiil yar oo goobta ku sugnaa, iyadoo la weeray ay rasaas fureen, inkastoo aan la helin dadkii ka danbeeyay.
Ciidamada xasilinta ee ku usgan Isgoyska Howlwadaag ayaa ka mida fariisimo dhowr ah oo ciidamadu ka ilaaliyaan magaalada iyo isu socodkeeda.
Goobjooge