Wararka laga helayo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu halkaasi caawa ka dhacay qarax loo adeegsaday Bambo.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay Bambada gacanta, wuxuuna khasaare u geystay ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa xaafada buundo weyn ee magaalada Beledweyne.
Ilaa 7ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa Bambada gacanta, sida ay sheegeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.
Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa u badan haween ganacsato ah oo caano ku iibinayay goobta Bambadu ku qaraxday.
Goobjooge.com