Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu caawa degmada Dharkeynley ka dhacay weerar toogasho ah oo lagu khaarijiyay mid ka mida ciidamada dowladda.
Weerarkan ayaa ka dhacay xaafadda macalin Nuur ee degmada Dharkeynley, halkaaso koox hubeysan ay askari ka tirsan ciidamada dowladda toogasho ku dileen kadibna goobta ka baxsadeen.
Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mowliid Maxamed, waxaana dableyda falka geysatay ay ka qaateen qori uu sitay.
Lama oga cidda ka danbeysay dilka askarigan, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay dilalka qorsheysan ay si xowli ah ugu soo bateen caasimadda.
Goobjooge.com