Thursday, June 26, 2025

Weerara loo adeegsaday Qarax Bam oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weerar bambo uu ka dhacay magaaladaasi maanta.

Bam gacmeed ayaa la sheegay in lagu weeraray Xarunta Maxkamadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, halkaasoo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan ayna ka socdeen kiisas dacwadeed.

Dhowr qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa, waxaana goobta ka baxsaday nin la sheegay inuu weerarka qaaday. Waxaa goobta gaaray ciidamo fara badan oo baacsaday ninkaasi inkastoo aan la qaban.

Weerarad ka dhacaya magaalada Boosaaso ayaa sii kordhaya,  Sarakiisha ammaanka Boosaaso ayaa sheegay inay ku raad joogaan qofkii falka geystay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON