Weerarkii Alshabaab xalay ku galeen Hotelka Hayat ee agaagarka KM4, magaalada Muqdisho ayaa saaka la sheegay in lasoo afjarayo, kadib muddo ka badan 16 saacadood ah oo dagaal ka socday.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa qaraxyo waaweyn ku galay Hotelka Maqribnimadii, waxayna xalay saqdii dhexe isugu tageen Dabaqa sare ee Hotelka, iyagoo dagaal la galay ciidamada kala duwan ee dowladda oo isugu jira Boolis, NISA iyo kuwa Gaarka ah ee Alfa.
Xeeladaha cusub ee Alshabaab u adeegsadeen weerarka ayaa waxaa ka mid ahaa inay Caagag laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa dhigeen gudaha Hotelka, iyadoo la sheegay inay qarxinayaan markii loo soo dhowaado.
Qasaaraha Weerarkan oo ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho intii uu mar kale Madaxweyne Xasan Sheekh xilka kusoo laabtay ayaa sii kordhaya, waxaana ilaa hadda ku dhintay 15 qof oo ay ka mid yihiin Ganacsato, dad shacab ah iyo ciidamo.
Dadka ku dhaawacmay waxaa ka mida saraakiil ciidan, waxaana howlgalka uu noqday mid ka mida kuwii ugu waqtiga dheeraa ee Alshabaab ku qaadaan Hoteelada Muqdisho muddo sanado ah.
Warar sheegayey in mid ka mida Dableyda Alshabaabkii ee weerarka ku galay hotelka Xayaat ee Muqdisho uu is dhiibay ayaa la beeniyay, waxaana weli waxaa socda howlgalka ay ciidamada ku nadiifinayaan Hoteelka oo burbur xoog leh uu gaaray.
Hay’adda Aamin Ambulance ayaa sheegtay inay Hotelka Hayat ilaa hadda ka qaaday laba qof oo meyd ah iyo 10 dhaawac ah. Hay’adaha Amniga ayaan weli wax war ah kasoo saarin qasaaraha weerarka Hotelka Hayat.
