Ciidamada Amniga ayaa shaaciyay inay soo Afjareen Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta Otto Otto ee ay wada degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga dowladda Soomaaliya.
Howlgal socday in ka badan laba Saacadood kadib ayaa lagu guuleystay in Maleeshiyadii gudaha u gashay oo ahayd 4 la toogto saddex ka mida, iyadoo uu is qarxiyey mid ka mida dableydii Alshabaab.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in hadda Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku hayaan xarunta Wasaaradda, waxaan hadda socda howlgal xarunta looga soo saarayo dad meyd ah, kuwo dhaawac ah.
Dhinaca kale wararka laga helayo xarunta aya sheegay in shaqaale ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Amniga ay ku geeriyoodeen weerarka,waxaana dadkaasi ka mida: Maxamed Axmed Ilkacase oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, soona noqday Xoghayaha Wasiirkii Arrimaha Gudaha Dowladdii hore, Waxaa kaloo dadka geeriyooday ka mida Liibaan Cusmaan oo ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Amniga oo lagu dhaawacmay oo lagu magacaabo Siyaad.