Howlgalkii ciidamada ammaanka ee ka socday Hotelka Naasa-hablood One ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhoweyd la shaaciyay in lasoo afjaray iyadoo gebi ahaan la dilay dableydii gudaha u gashay Hotelka.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ku guuleysteen soo gabagabeynta weerarka ay fuliyeen dabley ka tirsan ururka Alshabaab.
Hay’adda NISA oo howlgalka hogaamineysa ayaa ku warramay in ciidamada ay hadda gacanta ku hayaan Hotelka. Waxaa Hotelka caawa booqday madax ka tirsan dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Dadka ku dhintay weerarka ayaa gaaraya in ka badan 10 ruux oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Dr. Shahiid oo lagu magacaabo Dr. Ducaale Shahiid, nin magaciisa lagu sheegay Dr. Ayaanle, saddex kamida shaqaalaha Hotelka iyo dadweyne dhowr ah oo ka ag dhowaa Hotelka marka qaraxu dhacay.
Goobjooge.com