Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar caawa lagu qaaday saldhigga Booliska Bartamaha ee magaalada Boosaaso.
Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro, waxaana kadib dagaal toos ah uu dhex maray dableydii weerarka soo qaaday iyo ciidamada Booliska ee ku sugnaa saldhigga oo iska caabiyey weerarka.
Waxaa la xaqiijiey in weerarka ay ku dhaawacmeen saddex askari oo uu ku jiro taliye xigeenkii saldhiggaasi Sanweyne, kaasoo la sheegay inuu qabo dhaawac culus. Askarta dhaawaca ah ayaa la dhigay isbitaalka Boosaaso.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay weerarkan, waxaana dableydii weerarka qaaday ay ka baxsadeen goobta.