Weeraro Bambaane ayaa xalay lagu qaaday qaar ka mida saldhigyada Booliska degmooyinka Kaaraan iyo Hodan ee gobalka Banaadir.
Weerark hoire ayaa ka dhacay degaanka Jaamacadaha, iyadoo Bam lagu weerrray goob ay ciidamada ku sugnaayeen, waxaana lagu dhaawacay saddex ka mida ciidamada oo laba kamid ay xaaladooda culus tahay, iyadoo ay baxsadeen kooxdii weerarka qaaday.
Dhinaca kale Saldhigga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa isla xalay weerar Bam-ka nooca gacanta laga tuuro lagu qaadya, kaasoo dhaliyay qasaare aan la shaacin oo dhaawacyo ah.