Monday, July 14, 2025

Weriye Abuuja oo Maxkamad la hor geeyay & Marqaatiyaashii NISA oo geysay oo fashilmay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta la hor geeyay weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo muddo 5 Bilood ah u xirnaa Hay’adda Nabadsugidda ee NISA.

Waxaa weriyaha lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilka Baxsaney Cabdull bishii Maarso, iyadoo Hay’adda NISA ay xirtay Bishii Maarso ee sanadkan, iyadoo lix marqaati kiiskaasi u diyaarisay, iyadoo dhammaantood ay muujiyeen inaysan waxba kala socon kiiskaasi.

Mid ka mida marqaatiyaasha NISA ayaa Maxkamadda ka hor sheegay inuusan u dhaaraneynin wax uusan arkin, isla markaana aanu waxba kala socon kiiskan, laakiin xeer ilaalinta maxkamadda ayaa ku adkeysatay inuu denbigaasi galay Weriyaha.

Weriye Abuuja ayaa ka hor sheegay Maxkamadda in denbiga loo heysto uu yahay been abuur lagu masabitay, wuxuuna maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo haddii uu denbi galay, haddii kale uu cadaalad helo oo xoriyadiisa loo celiyo.

Maxkamadeynta Weriyaha waxaa ka muuqatay inaan wax caddeyn ah loo heynin, iyadoo ixda marqaati ee la filayey inay denbiga ku caddeeyaan ay iska diideen inay wax ka ogyihiin, iyadoo qof ka mida uu sheegay laba hadal oo iska horjeeda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Go’aanka Maxkamadda ay dib ka soo shaacin doonaan, sidaasina ay ku dhammaatay dacwadii Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur Abuuja.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON