Monday, June 23, 2025

Weriye C/casiis Gurbiye oo maanta Maxkamad lasoo taagay & isbedel lagu sameeyay Dacwadii..

Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho C/casiis Axmed Gurbiye ayaa maanta maxkamad lagu soo taagay magaalada Muqdisho, iyadoo oo heysto dacwad ay kusoo oogtay xeer ilaalinta Qaranka.

C/casiis Gurbiye ayaa 14-kii April ayaa Boolisku ku xireen magaalada Muqdisho markii lagu soo eedeeyay inuu u gefay sharafta Madaxweynaha Qaranka, kadib farriimo uu ku qoray bartiisa Facebook, iyadoo damiin lagu sii daayey markii uu xirnaa 4 maalmood.

Kiiska oo Weriyaha oo muddo laba bilood ah jiitamaya ayaa weji cusub yeeshay markii looga yeeray maxkamadda Gobolka Banaadir toddobaadkan, iyadoo kiis cusub lagu soo oogay kaasoo la xiriira faafin been abuur iyo aflagaado mas’uul ama hay’ad qaran.

Ad

Madaxtooyada Soomaaliya oo la sheegay inay dacwadan soo abaabushay ayaa iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay, waxaana ururrada saxaafadda iyo kuwa xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ugu baaqeen Madaxweyne Farmaajo inuu joojiyo dacwaddan.

Isbedelka lagu sameeyay Qodobadda dacwadda weriyaha lagu xiray ayaa u muuqda in Madaxtooyada ay ku dooneyso inay kiiskan isaga fogeyso, inkastoo kiiska ku saabsan yahay Warka laga qoray Madaxtooyada.

Xeer ilaalinta ayaa dacwadda kusoo oogtay weriyaha, waxaana diidmo kala hor yimid Qareenada u doodaya Weriye C/casiis Gurbiye oo sheegay in dacwadda aysan qaadi karin maxkamadda Gobolka oo ay tahay mid maxkamad degmo lala aado, isla markaana aan denbi ciqaabeed lagu qaadi karin.

- Advertisement -

Maxkamadda ayaa markii ay dhageysatay diidmada Qareenada u doodaya weriyaha iyo xeer ilaalinta waxay shaacisay inay go’aankeeda dib kasoo sheegi doonto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON