Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne ayaa xabsi u taxaabeen Weriye Cabdulqaadir Faarax Dulyar.
Weriyaha ayey ciidamadu ka kaxeysteen hotelkii uu deganaa ee magaalada Beledweyn oo uu ku sugnaa labadii maalmood ee ugu danbeysay ayaa lagu xiray saldhiga Booliska Beledweyne, waxaana uu maanta wareysi kula yeeshay duleedka magaalada Jeneraal Abuukar Xuud oo hogaamiya jabhad la magac baxday Kacdoonka Hiiraan.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Hiiraan oo ku saasban xariga Weriye Dulyar, waxayna wararku sheegayaan inuu ka danbeeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, iyadoo ay cambaareeyeen weriyeyaasha oo dalbanaya in la sii daayo.
