Waxaa sii kordhaya faahfaahinta laga helayo qasaaraha ay dhaliyeen qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Tiyaatarka Qaranka oo ah Bar laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.
Weriyihii caanka ahaa ee Cawil Daahir Salaad ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay qaraxii koowaad, kadib markii gaari uu la socday uu ku burburay qaraxa, kaasoo xilliga qaraxa dhacay goobtaasi marayey.
Geerida Weriye Cawil Daahir Salaad waxaa xaqiijiyey telefishanka uu ka howlgeli jiray ee Universal, waxaana sidoo kale dhintay darawalka gaarigii uu la socday..
“Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Wariya Cawil Dahir Salaad iyo Sadex Qof oo kale oo kamid ah Shaqaalaha Tvga Universal ayaa ku Geeriyooday Qaraxi Manta ka dhacay bar Control oo ku taala Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri qoraalka TV-ga Universal