Tuesday, June 24, 2025

Weriye ka tirsan Warbaahinta Dowladda oo ku dhaawac kasoo gaaray Qaraxii Muqdisho Mall

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weriye ka tirsanaa warbaahinta dowaldda  Soomaaliya uu ku dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay degmada Xamarweyne.

Weriye Maxamed Ibraahim Biibaaye oo ka mida saxafiyiinta ka howlgala warbaahinta dowladda Somalia ayaa la sheegay inuu la kulmay qaraxa ka dhacay suuqa Muqdisho Mall ee degmada Xamarweyne, waxaana dhaawaciisa la sheegay inuu yahay mid meel dhexaad ah iyadoo la dhigay mid ka mida isbitaallada Muqdisho.

Weriyaha ayaa qalliin lagu sameeyay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay xaaladiisa degan tahay iyadoo lug iyo gacan dhaawac kasoo gaaray.

Qaraxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, wuxuuna dhaliyay burbur xoog leh iyo qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON