Friday, April 19, 2024

Weriye Magaalada Kismaayo loogu xiray Barnaamij ku saabsan Doorashadii Madaxweyne Farmaajo

Ciidamada maamulka Jubbaland ee uu ka taliyo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xabsi u taxaabay weriye ka howlgala Magaalada Kismaayo.

Wariyaha oo lagu magacaabo Saabir Cabdiqaadir Nuur ayaa ka tirsan TV-ga Somalicable, waxaana la xiray  isgoo ku guda jiray shaqadiisa oo ku howlanaa duubista dareenka dadka magaalada Kismaayo ee sanadguurada koowaad ee doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Nabad suggidda Jubbaland ay xabsigooda ku xireen, halkaasoo uu xalay ku hoyday. Aabaha dhalay wariyaha ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uusan garaneyn sababta loo xiray wiilkiisa.

Ad

Dhinaca Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ugu baaqay maamulka Jubbaland inay xoriyadiisa u celiyaan weriyaha, iyadoo maamulka Axmed Madoobe uu yahay kan ugu horeeya ee cadaadis ay kala kulmaan Saxafiyiinta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON