Weriye iyo guddoomiye hore oo degmo C/kariin Cali Kaar ayaa shaaciyey inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacabaay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.
Qoraal uu soo saaray ayuu uga mahadceliyey madaxweynaha xilka Afhayeenkiisa iyo kan Madaxtooyada ee uu u magacaabay, wuxuuna sheegay inuu kasoo muuqan doono barnaamij ka bixi doona Telefishanka dowladda ee SNTV.
“Waxaan mahadnaq ballaaran oo aan u celinayaa Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo igu sharfya xilka Afhayeenka Madaxtooyada Villa Somalia. Mudane Madaxweyne, waxaan kaaga mahadcelinayaa sida aad ii aamintay & kalsoonidaada, waxaana kuu rajeynayaa inaan gudbiyo hiigsigaaga weyn ee Soomaaliya iyo tallaabo kasta oo aad qaado.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka cusub ee sheegay in loo magacaabay xilka hadal-hayeenka Madaxweynaha.
C/kariin Cali ayaa ka mid ahaa weriyeyaasha ka howlgala warbaahinta madaxda bannaan, gaar ahaan TV-ga Somali Channel, isagoo dowladii hore noqday Guddoomiyaha degmada Howlwadaag, xilkaas oo laga qaaday.
Xilalka uu magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta badan lasii ogaadaa maalmo ka hor, waxaana markaas kadib lagu baahiyaa baraha rasmiga ah ee Madaxtooyada.
