Monday, July 7, 2025

Wiil 18 sano jir ah oo toogasho ku laayey 21 Caruur ah, isagiina la dilay (Sawirro)

Dad u badan caruur ayaa lagu laayey dhacdo toogasho ah oo ka dhacday dalka Mareykanka, iyadoo arrinta Koontartoolka Hubka ay dood weyn oo hor leh ka dhalisay dalkaasi.

Falkan ugu danbeeyay ayaa lagu dilay 19 arday oo da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 11 sano, waxaa sidoo kale la dilay laba ka mid ah macalimiintoodii. Toogashada waxaa geysty Wiil 18 sano jir ah oo hubaysan, waana falkii ugu geerida badnaa muddo​​10 sano dalka Mareykanka.

Wiilkan ayaa lagu magacaabaa Salvador Ramos – wuxuuna ahaa shaqaale ka shaqeeya Baararka cuntada degdega. Wuxuu ahaa wiil keli ku koray, wuxuxuuna markii hore toogtay ayeeyadiisa, isagoo kadib xasuuq ka geystay dugsiga hoose ee Robb ee magaalada Uvalde, Gobolka Texas.


Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkan dhiigga badan ku daatay, wuxuuna ku booriyay dadka Mareykanka inay u istaagaan u ololeynta wax ka qabashada hubka Mareykanka ee siyaasadeysan, isagoo caddeeyay in dunida oo dhan aanu ka jirin hubka laga ganacsado Mareykanka ee qasaaraha badan geysta.


Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in tuhmanaha oo lagu magacaabi jiray Salvador Ramos, sida muuqata ay dileen askar ka tirsan booliiska, waxaana uu sheegay in laba askari ay ku dhacday rasaas, inkastoo guddoomiyuhu sheegay in dhaawacyadoodu uusan ahayn mid halis ah.

Salvador Ramos, 18, from Uvalde, Texas, drove to the Robb Elementary School after shooting his grandmother
Law enforcement are seen at the scene of the school shooting in Uvalde, Texas on Tuesday

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON