Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida e Galmudug ayaa Amar soo qabasho ah u jartey horjoogayaashii Saraakiisha Ciidamada Ahlu sunna ee dhowaan weerarka ku qaaday magaalada Dhuusamareeb.
Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu amray hay’adaha amniga inay soo xiraan 18 xubnood oo ka mida Saraakiisha Sare ee kooxda Ahlu suna oo ay ka mid yihiin saraakiil Boolis ah, Milateri iyo NISA.
Amarkan ayaa ka danbeeyay, iyadoo ciidmaada Boliska Galmudug ay dhowaan shaaciyeen in lasoo qabto madaxda iyo saraakiisha Ahlu suna oo loo heysto denbiyo dagaal.
HOOS KA AKHRISO

