Saacadihii ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada lagu hadal hayey shaqsiyaad uu xilal sare u magacaabayo madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubnaha la faafiyey in xilal loo magacaabayo waxaa ka mida xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo la sheegay in loo wado Agaasimaha hay’adda Sirdoonka ee NISA, waxaana arrintan si weyn u faafiyey taageerayaash madaxweynihii hore ee Farmaajo.
Mahad Salaad oo ka mida saaxiibada Xasan Sheekh aya ka hadlay arrintan, isagoo si xeeladeysan u sheegay in dib loogudhigo Hambalyada oo ka dhigan inuu xil kale sugayo.
“Wararka Baraha Bulshada lagu qorayo waa been ee yaan lagu khatalmin ikhiyaarey. Hambalyadana yaan la iga qasaarinin ee hala ii kaydiyo. Mahadsanidiin” ayuu ku yiri qoraalka uu bartiisa Facebook soo dhigay.