Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadakulan kula yeeshay wafdigii ugu horeyeay ee heer caalami ah oo ay hoggaamineysay ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.
Kulanka ayaa looga wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna ergeyga Midwoga Yurub soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono,lana horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna.
Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sarreeyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara dalkeenna muddooyinkan, waxaana wehlisay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.



