Saturday, April 20, 2024

Wiil Dhalinyaro ah oo ku Geeriyooday Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Wiil dhalinyaro ah oo ka howlgala Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka ayaa ku dhintay qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee waxaa dhaawac qaraxa ka soo gaaray u geeriyooday dhintay Ilyaas Maxamed Sheekh C/kariim oo la socday Gaariga Wasiir ku xigeenka Amniga xukuumadda Soomaaliya C/naasir Siciid Muuse; waxaana dhaawac culus kasoo gaaray, isagoo kadib u geerooday.

Marxuum Ilyaas ayaa ahaa ka mid ahaa dhalinyarada wax ku baratay magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda, waxaana adeer u ahaa Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, iyadoo ay tacsi u direen mas’uuliyiin iyo saaxiibo kala duwan oo geeridiisa ka naxay.

Ad

Qaraxa sababay geerida Marxuum Ilyaas Maxamed Sh. C/kariin ayaa ka dhacay Jidka Maka Almukarama agagaarka Jidka Taleex, waxaana lala beegsaday Gaariga Wasiir ku xigeenka Amniga Soomaaliya C/naasir Siciid.

Alshabaab ayaa sii xoojisay weerarrada miinada ee ay la beegsaneyso mas’uuliyiinta iyo saraakiisha dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON