Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay toogasho ku dileen wiil dhalinyarro ah, degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.
Dilka ayaa galab-gaabkii maanta k adhacay Xaafadda Albaraka ee magaalada Muqdisho, waxaana magaciisa lagu sheegay Xasan Cismaan, waxayna dadka degaanka sheegeen inuu u sha shaqeynayey Hay’adda Wardi ee samafalka oo aabihiis uu madax ka ahaa.
Ciidamada Amniga ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, iyadoo aan lagu guuleysan in la qabto dableydii dilka geysatay oo baxsatay, waxayna soo qaadeen meydka, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.
Waxaa Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo Ciidamada Dowladda iyo dadka Shacabaka ah ayaa kusoo badana Gudaha Magalada Muqdisho,iyada oo ay xusid mudan tahay in ciidamo boolis ah oo aad u farabadan ay 24 saac howlgallo baaritaan ah ka wadaan degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.