Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa tartan nooc cusub ku dhex maray magaalada Muqdisho.
Tartankan ayaa ahaa mid samafal oo lagu gargaarayo wiil lagu magacaabo Maxamed Ayuub Xasan oo 17 sano jir ah, kaasoo si lama filaan ah uga hadlay salaadii Janaasadda ee Marxuum Axmed Diiriye oo ka dhacday Masjidka Isbaheysiga islaamka, waxayna arrintan ka bilaabtay ereyo uu wiilkaasi ka jeediyey Masjidka.
Xilligaasi waxaa masjidka ku sugnaa madax badan oo ay ka mid yihiin: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow. madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Eng. Yariisow).
Maxamed Ayuub Xasan ayaa dadka hortooda isaagay isagoo heegay inuu hayo xanuun neerfaha ah, una baahan yahay taageero dhaqaale iyo lacagta gaareysa 1,800$ oo daawo uu ku iibsado.
“Marka hore Marxuumka Allah ha u naxariisto Janada Allah geeyo, marka xigta walaalayaal waxaan idiinka codsanaya inad i caawisaan waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo aad u xanuunsan, Xanuunka neerfaha aya i haya sidaad u jeedaan, waxa hada u baahanahay lacag dhan kun iyo sideed boqol oo doolar (1,800$) si aan daawooyin ugu gato xaaladeyda caafimaadna ay wax ugu badasho, Agoon ayaa ahay Aabaheey wu dhintay, waa idiin baryaa ee lacagtaa isku key dardara.”
Ciidamo dhar-cad ah, kana mida ilaalada Ra’iisal wasaaraga ayaa wiilkii si halheel ah ula booday oo ka saaray goobtii uu sida lama filaanka ah uga soo muuqday, isagoo ujeedkiisu ahaa inuu madaxda goobta joogta naxariis iyo deeq ka helo, waxayna geeyeen qeybta dambe ee Masjidka, iyagoo ku amray inuusan dhaqdhaqaaqi karin, halkaasina ay uga tageen.
Wiilkii oo oynaya ayaa mar kale soo laabtay laakn waa loo diiday inuu hadlo dib ayaana loo celiyay, isagoo gacanta laga hayo ayaa la marsiiyay meel uu fadhiyeen Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale.
Dhacdadan murugada leh kadib ayaa la sheegay in arrinta lagu wargeliyay guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed oo dalka ka maqan, isagoo ballan qaaday inuu kafaalo qaadayo kharashka caafimaadka ee Maxamed Ayuub, isagoo wakiilo u diray ehelka qoyska, laakiin waxay arrintii yeelatay saameyn xoog leh samafal iyo siyaasad leh.
Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka war helay sida wax udhaceen ayaa bixiyey lacagtii uu dalbaday Wiilka xanuunsan oo dhan $1800, wuxuuna ugu dhiibay gabar weriye oo la shaqeysa, taasoo lagu magacaabo Nasra Bashiir, taasoo Guriga Maxamed Ayuub ku tagtay amarka Ra’iisal wasaaraha ee aanay xabbadu karin, kadibna lacagtii guddoonsiisay Maxamed iyo Qoyskiisa, kuna baahisay baraha bulshada.
Waqti yar kadib waxaa Guriga wiilka gaaray wakiilada Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo ku sugan America, waxaana ka wakiil ahaa ku xigeenkiisii C/llaahi Xaaji Ereg, oo qoyska gaarsiiyey in xaaladda caafimaad ee Maxamed Ayuub uu la wareegay Guddoomiye Taabit.
Maxamed waa 17 sano jir, 9-kii sano ee la soo dhaafay waxa haayay xanuun neerfa ah waxa uuna ka haleelay qeybta sare ee jirkiisa sida Madaxa iyo qoorta. Waxa uu degan yahay Degmada Deyniile, waxa uu u weyn yahay 3 Caruur ah oo Aabahood uu geeriyooday, waxa gacanta ku heysa hooyadood Foosiyo iyo Ayeeyadood. Nolosha qoyska Maxamed waa mid aad u liidata mana awoodaan in Isbitaalada waa weyn ee Muqdisho ay wiilkooda geeyaan si xanuunka haya xal loogu helo.
Dhinaca kale dad kala duwan ayaa deeq gaarsiiyey wiilkan xanuunsan, waxaana hadda xaaladiisu ay noqotay mid degdeg wax looga qabtay, iyadoo Xasan Cali Kheyre iyo Taabit Cabdi Maxamed ay ku tartameen dhinaca samafalka, kadib markii siyasadda ay ku kala tageen, taasoo faa’iido ugu jirto dadka danyarta ah iyo kuwa taagta darran ee gargaarka u baagan sida Maxamed Ayuub oo kale.