Wiil la dhashay Allaha u naxariistee Wasiir Cabaas C/llahi Siraaje ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo, isagoo u sharxan kursigii xildhibaan ee walaalkii ak geeriyooday.
Wiilkan oo ah da’dii ka yareyd Marxuum Cabaas ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Cabdullaahi Siraaje, waxaana magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay dadweyne iyo mas’uuliyiin, isagoo dhowaan u tartami doona kursigii walaalkii doorasho ka dhici doonta magaalada Kismaayo.
Wiilkan yar oo u eg wallaalkii ayaa ka yimid dalka Canada, waxaana la sheegay inuu ka helay deeq waxbarasho isagoo ka door biday inuu siyaasadda ku soo biiro.
DAAWO SAWIRRO