Wednesday, June 25, 2025

Wiil la dhashay Wasiir Cabaas Siraaje oo ku guuleystay kursigii Baarlamaanka ee Beesha Hubeer [Sawirro]

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa lagu doortay kursi ka bannaanaa Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka oo ah kursi ay leedahay Beesha Hubeer.

Kursigan oo doorashadiisa goor dhoweyd lasoo gabagabeeyay ayaa waxaa ku tartamay Fardowsa Xuseen Maxamed iyo Maxamuud Sheekh C/llaahi Siraaje, waxaana codeyntii kadib ku guuleystay Maxamuud C/llaahi Siraaje oo ah wiil ka yar lana dhashay wasiirkii hore ee Howlaha guud Cabaas Siraaje oo kursigan ka geeriyooday.

Natiijada doorashada ayaa noqotay in Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo helay 50 Cod, halka Fardowsa Xuseen Maxamed aysan helin wax cod ah, waxaana hal cod.

Guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in Xubintii Xildhibaanimo ee beesha  Hubeer uu ku soo baxay Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo ah walaalka Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo 3-dii Bishii may ee Sanadkii tegay ee 2017 lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Image may contain: 2 people, people sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON