Monday, July 14, 2025

Wiil Masaari 15 sano jir oo is-dilay kadib Farriin digniin ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook [Sawirro]

Wiil reer Masar ah oo da’ yar ayaa is dilay laba maalmood kadib markii uu bartiisa Facebook soo dhigay farriin uu ku sheegay inay qasab ahayiinuu is dilo.

Wiilkan oo meydkiisa Axadii shalay laga helay  Badda magaalada Zaqaasiq ee Gobolka Bari, waxaana lagu magacaabi jiray  Maxamed Yaasir, waxayna dhacdadan ka bilaabtay bartiisa Facebook oo farriin naxdin lahayd uu soo dhigay isagoo sheegay inuu isu dilayo dhibato heysata awgeed, loona duceeyo intii la oran lahaa wiil yar oo is dadalay.

Farrinta wiilka ayaa boqolaal qof ay jawaabo ka bixiyeen iyagoo ku waaniyey inuu sabro, iskana dulqaato, Allena u dhowaado, laakiin wiilka Maxamed Yaasir  Raashid Canaani oo 15 sano jir ahaa ayaa go’aankiisii fuliyey, kuna dhaqaaqay inuu is dilo.

Wiilkan ayaa la sheegay inuu aabihiis ahaa shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Bariga Masar, waxayna arirntan qabsatay baraha bulshada iyadoo ciidamada ay baarayaan wixii sababay inuu is daldalo, halka wararka qaarkood sheegayaan inuu qabay cudur nafsi ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON