Friday, June 27, 2025

Wiil Soomaali ah oo lagu dhex dilay Xabsi ku yaala Magaalada London & Qoyskiisa oo ka hadlay

Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi  jiray Khadar Saalax ayaa lagu dhex dilay xabsi ku yaalla Magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo qoyskiisa ay raadinayaan cadaalad.

Qoyskiisa waxa ay u maleynayeen in uu ku badbaadi ogyahay xabsiga dhexdiisa kadib caqabado uu kala kulmay banaanka, balse hadda waxa ay ku jiraan baroordiiq. Afar qof ayaa loo xirxiray dilka Khadar Saalax oo lagu dhex dilay xabsiga Wormwood Scrubs ee Galbeedka London.

Dilkiisa ayaa waxaa loo adeegsaday toori, iyada oo booliiska ay sheegeen in dhaawacyo xunxun ay jirkiisa ka muuqdeen. Saciid Yuusuf oo ah wiilka ka weyn Khadar ayaa sheegay in dilka dhacay uu qoyska ku reebay tiiraanyo iyo murugo.

Reerka KhadarSAWIRKA QOYSKA – Reerka Khadar

“Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo nolosha rajo badan ka leh, mardhow ayuu guursaday, waxaana loo hayay hal wiil” ayuu yiri Siciid.

Waxa uu intaas ku daray in 7 jeer Toorida lagu dhuftay wiilka. Xabsiga oo la dhisay xiligii boqoradii Victoria ayaa waxa uu qaadaa 1,279 maxbuus. Hadda waxaa ku jirta 1,131 maxbuus.

Rabshadaha xabsiga gudihiisa ka jira ayay dowladda la tacaalaysaa sidii ay u xakamayn lahayd, afhayeen u hadlay wasaaradda caddaaladana waxa uu sheegay in lasoo kordhinayo nidaamyo cusub oo looga hortago rabshadaha.

Xabsiga Wormwood Scrubs
Xabsiga Wormwood Scrubs

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON