Tuesday, August 5, 2025

Wiil uu dhalay Amiirka Alshabaab & Horjoogayaal lagu dilay Howlgal ay qaadeen Ciidamada Kumaandooska Somalia

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in wiil uu dhalay amiirka Alshabaab lagu dilay howlgal ay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen Gobolka SH/Hoose.

Idaacadda Ciidamada Xoogga dalka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in howlgalka ay fuliyeen Ciidamada Kumaandooska iyo Ciidamo Mareykan ah oo wehiyay, iyadoo xalay  laga fuliyey degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeellaha.

Xubnaha lagu dilay howlgalka waxaa ka mid ahaa Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda oo magaciisa lagu sheegay Xasan Axmed Diiriye iyo horjoogayaal ay ka mid yihiin Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur (Faruur).

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhinaca kooxda Alsahbaab iyadoo aanay jirin cid xaqiijisay arrintan.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa la howlgala Mareykanka oo tababarray, waxaana saldhigoodu yahay Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Sh/Hoose.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON