Friday, June 27, 2025

Wiil uu dhalay C/raxmaan Faroole oo Muqdisho u tegay ololaha Doorashada, kadib 25 sano

Maxamed C/raxmaan Maxamed (Faroole oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland ayaa Muqdisho tegay kadib muddo ka badan 25 sano ah oo uu ka maqnaa.

Caruurta C/raxmaan Faroole ayaa ku dhashay kuna koray magaalada Muqdisho oo ay ka qaxeen dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay sanadkii 1991-ka.

Maxamed ayaa madax u ahaa ciidamadii Badda Puntland xilligii uu aabihii madaxda ka ahaa maamulka, ayaa ah milkiilaha website-ka Garoweonline, wuxuuna qeyb ka yahay ololaha doorashada aabihii ee xilka madaxweynaha.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole

Wiilka Faroole ayaa xog la helay ay sheegeysaa inuu dowladda cusub ee Soomaaliya ka doonayo xil wasiir ah, taasoo loo marayo isbaheysi siyaasadeed oo aabihii la leeyahay musharaxa xilka madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed.

Musharax C/raxmaan Faroole oo isna toddobaadkan tegay Muqdisho ayaa sheegay inay markii afraad ee uu Muqdisho tego.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON