Waaxda cadaaladda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray laba wiil oo Soomaali ah oo doonayey inay ku biiraan ururka Daacishm una socdaalkaan dalka Masar, iyadoo taageero agab iyo dhaqaale siinaya kooxda Daacish.
Labada wiil oo lagu kala magacaabo Ahmed Mahad Mohamed, oo da’diisu tahay 21 sano jir, iyo Cabdi Yemeni Hussein oo 20 sano jir ah, ayaa 26-kii July lagu xiray gobolka Arizona ee dalka Mareykanka iyagoo dooneyay inay u duulaan dalka Masar.
Kiiska labada wiil ayaa waxaa kala shaqeeyay nin ka tirsan FBI-da Mareykanka oo isaga dhigay inuu yahay nin taageersan Daacish, sidaana ugu fududeeyay arrimo badan si uu kiiskan lugaha ugu geliyo, waxaana Dacwadda lagu soo oogay labada wiil ee hadda eedeysanayaasha ah ay tahay mid uu ku abuuray minka shaqaalaha ah ee ka tirsanaa FBI-da.
Xiriirka dhex-maray labada Soomaalida ah iyo qofka ka tirsan FBI-da, ayaa shaaca ka qaaday inay damacsanaayeen inay u safraan dibedda oo ay u dagaalamaan Daacish, ama weerar ka fuliyaan gudaha Mareykanka, haddii ay awoodi waayaan inay safraan. Ugu dambeyn, eedeysanayaasha ayaa iibsaday tikidh ay ugu safrayaan dalka Masar, si ay u gaaraan gobolka Sinai uguna biiraan Daacish.
Wakiilo ka tirsan FBI-da ayaa xiray Ahmed iyo Abdi markii ay yimaadeen garoonka diyaardaaha caalamiga ah ee Tucson International Airport ee gobolka Arizona. Sida ku cad dacwad dambiyeedkooda, labada eedeysane ayaa dalka Mareykanka ku yimid qaxooti ahaan, waxayna kasoo jeedaan Soomaaliya. Ahmed ayaa haysta kaarka degenaashaha Mareykanka (Green Card), halka Abdi uu weli yahay qaxooti.
Waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in dacwadaha ka dhanka ah labada nin ay weli yihiin eedeyn oo kaliya, islamarkaana aysanw ax dambi ah lahay illaa ay sidaas uga caddeyso maxkamad.
Qaabkan ayaa ah sida FBI-da Mareykanka u ugaarsato Soomaalida, iyadoo xubno ay qortay la saaxiibaan dhalinyarrada Soomaaliya, kadibna kiis loo sameeyo, iyadoo lagu abuurayo inay niyada ka jecel yihiin argagixisada haddii ay awood lahaan lahaayeenna ay geysan lahaayeen, dilal iyo qoor-goyn sida ay sameeyso Daacish.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trum oo muddooyinkan dambe weerarro jinsi naceyb ah ku qaaday haweeneyda Soomaalida ee ka mida Koongareeska Mareykanka Ilhaan Cumar iyo siyaasiyiinta Madowga Mareykanka ayaa kiiskan ku soo qoray boggiisa Twitter-ka wuxuuna ka digay Soomaalida Qaxootiga ku ah Mareykankan halistooda.