Wiilasha uu dhalay Saxafiga Sacuudiga ee lagu dilay Qunsuliyadda dalkiisa ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga aya markii ugu horeysay wareysi bixiyey, iyagoo ka hadlay xaaladda dilka aabahood.
Salah iyo Abdullahi Jamal Kashoqgi ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee ay xilligan doonayaan ay tahay inay helaan meydka aabahood si loogu aaso goobtii uu ka dardaarmay ee uu jeclaa in lagu aaso oo ah qabuuraga Baqiic ee magaalada Medina Almunawara.
Labada wiil ee uu dhalay Jamal Kashoqgi waxay telefishanka CNN u sheegeen inay aad uga murugoodeen waxa ku dhacay aabahood, ayna xaaladda uga sii dartay in la siyaasadeeyay oo dunida oo dhan arrintan hadal heyso iyagoo aan warbixin ka heynin halkii uu ku danbeeyey.
Waxay soo bandhigeen xaaladii noloshiisa ee aabenimo iyo tan saxafi iyagoo sheegay inuu ahaa aabe aad u jecel qoyskiisa oo dalkiisana ku faani jiray, isla markaana aan isu heysan inuu yahay mucaarad, waxayna beeniyeen inuu ka tirsanaa Ikhwaanul muslimiin.
Salah oo 35 sano jir ah wuxuu ka shaqeyn jiray Banki ku yaalla magaalada Jiddah, isagoo sheegay inuu doonayo inuu dib ugu laabto shaqadiisa, halka C/llaahi oo 33 sano jir ah uu degan yahay kana shaqeeyo dalka Imaaraadka, wuxuuna ahaa qofkii ugu danbeeyay ee qoyskiisa arka aabihiis, isagoo ugu tegay magaalada Istanbul.