Friday, June 27, 2025

Wiilkii Xafladii Arooskiisa ka Ooyey oo Jawaab u diray dadkii Baraha bulshada ka dacaayadeeyay [Akhriso]

Waxaa baraha buslshada  ee Soomaalida si weyn loogu falanqeeyay wiil ku oohin jabsaday xafladdii arooskiisa, kaasoo  caruusadiisa ku dul ooyey intii ay socotay munaasabaddii arooskooda.

Soomaali badan ayaa qaadaa-dhigay sababtii keenay inuu ooyo wiilkan, iyadoo qarkood ku doodeen in sababta uu u ilmeeyay ay ahayd “jaceylka uu xaaskiisa u qabo”. Muuqaal yar oo laga soo duubay xaflada ayaa lagu arkayay wiilka caruuska ah oo ilmeeynaya ayna illinta ka tirtireeyso gabadhii caruusadda u ahayd.

Waxaa dhif iyo naadir ah in la arko nin Soomaali ah oo meel fagaaro ah ku ilmeynaya farxad uu dareemayo awgeed ama arrin markaas heysata, waxay dadka Soomaalida ah badankood qabaan in ragga ay yihiin kuwa ‘calool- adag’ oo dareenkooda qarsada ama ma-naxayaal ah.

Caruus farxad darteed la ooyay habeenkii arooskiisa

Sadiiq Cabdinaasir oo  ahaa wiilka dareenkiisa celin waayey ayaa jawaab ka bixiyey wixii ka keenay ilinta iyo sida dadka kala duwani u arkeen, wuxuuna yiri: ”Dadka baraha bulshada arrintan aad ayey uga hadal hayaan waan arkay, qaarba si xun u turjumay laakiin qof walbo bini’aadam ah oo qalbi leh maalin ayuu ooyaa, waxaan la ooyay farxad darteed, sida ay qoyskeeyga uga soo qeyb galeen xaflada arooskeyga iyo inaan hantiyay qofkaan dunida ugu jeclaa”.

Sadiiiq C/naasir oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in  in arrintan baraha bulshada lagu dhax wado aanay wax saameyn ah ku reebin isaga iyo xaaskiisa, isla markaana waxba aanu u arkin dadka sida khaldan u fasitay dhacdadaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON